Qaar Kamid ah Ardayda Waaxda Cilmiga Deegaanka oo Sahan Waxbarasho Ku Tagay Jazira Lagoon

Ardeyda waaxda Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa maanta sahan waxbarasho ku tageen Jazira lagoon. Intii ay halkaas joogeen, waxay ku qaateen casharro kala duwan oo la xiriira dabeecadda iyo kala duwanaanshaha dhulka, iyo dhirta mangroveska. Casharradan oo ay bixiyeen quburo ku xeeldheer culuumta deegaanka iyo badaha.

Ujeedada safarka waxbarasho ayaa ahayd in ardeydu ay si toos ah u bartaan dhibaatooyinka kala duwan ay wajahayaan deegaan badeedka iyo muhiimada wax kaqabashada dhibatadaas. Intaas waxaa dheer Maaddada ay practical-ka ku sameynayeen ardeyda ayaa ahayd Marine Ecology, taas oo diiradda saareysay fahamka deegaan badeedka badeedka, iyo ilaalinta dhirta mangroveska.

Sahankan waxbarasho ee ay ardeyda ku tageen Jazira Lunga wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan oo kor u qaaday fahamkooda ku saabsan cilmiga Deegaanka Iyo Badda.

****
Student field trip to mangrove ecosystem in department of environmental Science.

The mangrove forest, a prolific ecosystem, provides food, goods, and protection despite daily tide movements, temperature swings, and low-oxygen soils. It houses a diverse range of flora and fauna, including fish, birds, mammals, crabs, snails, and invertebrates, with unique adaptations.

Special thanks to Ustaad Abdulkadir Omar Siyad

Waxqabadkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
LATEST POSTS
Scroll to Top