Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Xasan Cusmaan Gacal, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee deegaanka (5 juun), taasoo ay soo qabanqaabisay kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ayaa ka dhacday Xarunta Gahayr.
Munaasabadda waxaa ku wehliyay Raktar ku xigeenka tacliinta Prof. Aadan Guuleed Shabeel, hormuudka kulliyadda beeraha Dr. Maxamed Rashiid Sh. Cabdisamad, macalimiin, arday iyo martisharaf kale.
Munaasabadda ayaa looga hadlay horumarinta deegaanka, beeraha iyo xal u helida dhibaatooyinka deegaanka ee Dalka.