Kuliyadda Beeraha Iyo Cilmiga Deegaanka Oo Xustay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta.

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta taas oo  Qaramada Midoobay u asteysay 12 Maajo, oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Badbaadada Dhirta Soomaaliyeed (Somali Plant Protection Society) oo kaashanaya Waaxda Badbaadada Dhirta ee Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), kana helaya teegeero IBS Bank ayaa shay magaalada Muqdisho lagu qabtay ;
Munaasabadan oo ah tii 3 xaad oo xiriir ah ayaa si gaar ah u muujisay taariikh cusub oo ku saabsan horumarka dalka, iyadoo ay qalin jebiyeen dufcaddii ugu horreysay ee dalka gudihiisa si rasmi ah uga barata Cilmiga Badbaadada Dhirta. Tani waxay caddeyn u tahay dadaalka ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu jirto sidii loo heli lahaa khubaro Soomaaliyeed oo u heellan ilaalinta caafimaadka dhirta iyo xoojinta wax-soosaarka Beeraha.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa noqotay jaamacaddii ugu horeysay kudhiirata hirgalinta waaxda Bad-baadada Dhirta si loo soo saaro -saraakiil caafimaadka dhirta wax kaqabta, taa oo tusineysa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda dalka ee la tacaalka cudurrada iyo cayayaanada hoos u dhiga wax soo saarka beeraha.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay:
• Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
• Agaasimiyaal ka socday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
• Khabiir Cilmiga caafimaadka oo kasocday Hay,adda Cuntada Aduunka ( FAO).
• Agaasimaha Xarunta Dhalreeb
• Khubaro ku takhasustay cilmiga caafimaadka dhirta
• Beeraley
• Shirkado ka ganacsada agabka beeraha
• Ardayda, macallimiin, maamulka Kulliyadda Beeraha ee JUS Iyo marti sharaf kale oo tiro badan

Munaasabaddan ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayey ardayda iyo beeraleyda Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaataan ilaalinta caafimaadka dhirta, la tacaalidda cudurrada iyo cayayaanka halista ku ah wax-soosaarka dalagga. Waxaana si weyn loogu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo cilmi-baaris xooggan, tababbaro joogto ah, iyo iskaashi dhexmara hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga, si loo dhiso mustaqbal cagaaran oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada loona gaaro sugnaan Cunto.

Waxqabadkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
LATEST POSTS
Scroll to Top